Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Ceymiska

Ceymiska Jirada.

La daabacay fredag 4 november 2011 kl 11.41
Astaanta hayada Ceymiska qaranka oo sare ka muuqata. Sawirle: Scanpix Montage

Dad badan oo jiran ama xanuunsan ayaa waxaa lagu waramayaa in ay qasab ku noqtay in ay ku noolaadaan lacagta kaalmada ee (socialbidrag) ama Soomaalida u taqaano Ceerta, sida lagu sheegay baaritaan baaxad leh oo lagu sammeeyay hanaanka kaalmada bulshada iyadoona warbixinta baaritaankaasi uu tebiyay Raadiyaha Iswiidhan.

Baaritaanka la sammeeyay ayaa waxuu ku talinaayaa in isbedel cusub loo sammeeyo dadka xanuunsan.

Irene Wennemo oo ah xogheynta hormuudka ka ah baaritaanka ayaa sheegtay in dadka xanuunsan ama jiran in aysan helin kaalmo nololeed marka laga reebo lacagta kaalmada nolosha ee kolkii hore afka Iswidhishka lagu oran jiray (Socialbidrag)

Markii dowlada ay bedeshay sanadkii 2008-da sharciyada ka yaalay lacagaha ay heli jireen dadka xanuunsada ama jirada ayaa waxaa iyana meesha ka baxday lacagta safarka xanuunada.

Ceymiska aasaasiga ee hadda jira ayaa waxaa ka mid ah lacagta waalidnimada iyo mida ceymsika shaqo la’aanta ama dadka shaqeeya ee shaqo la’aanta ku dhacdo balse ma jirto lacagta xanuunka ama jirada, sida ay tiri Irene Wennemo.

Irene ayaa waxay la tahay in loo baahnyahay lacagta kaalmada ee lagu qaato jirada iyadoona sheegtay in guud ahaan xisbiyada siyaasada ay qabaan aragtidaasi.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".