Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Arrinta Giriiga

Dalka Giriiga oo dib ugu laabtay afti muran iyo wel wel dhalisay.

La daabacay fredag 4 november 2011 kl 13.36
Wasiirka maaliyada ee dalka Giriiga Evangelos Venizelos. Sawirka: Scanpix

Dalka Giriiga ayaa si rasmi kaga laabtay qorshe uu doonayay in afti ay ka dhiibtaan dadka Giriiga qorshaha samatabixinta dhaqaalaha dalkaasi ee uu wado midowga yurub sida uu sheegay wasiirka maaliyada ee dalkaasi Venizelos sida ay soo tebisay wakaaladda wararka ee AFP.

Hadalkani ayaa ka soo baxay wada hadal wasiirka uu la qaatay madaxweynaha midowga Yurub  Jean-Claude Juncker, madax gudiga midowga Yurub Olli Rehn iyo wasiirka maaliyada Jarmalka  Wolfgang Schäuble sida lagu sheegay hadal qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda maaliyada ee dalka Giriiga.

Jawaabta ka soo baxday seyladaha ayaa ee ku aadan warbixin ka laabashada ee aftida ayaa ah mid qeybsan iyada oo labadii maalimood ee ugu dambeysay si weyn loo hadal hayay arrintan.

Hoggaamiyayaasha dalalka ugu awooda weyn ee xeyndaabka qaaradda ee laga isticmaalo lacagta Euro-da ee Jarmalka iyo Fransiiska ayaa caro iyo jahawareer qaaday markii Ra’iisal wasaaraha dalka Giriiga George Papanderou uu ku dhawaaqay in dalkiisa uu afti ku weydiin doono dadka qorshe la doonayo in dhaqaalaha Giriiga lagu badbaadiyo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".