Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Nin dhaawac rasaas loogu geystay magaaladda Uppsala.

La daabacay fredag 4 november 2011 kl 13.57
Wado Buundo ah oo dhex marta Uppsala. Sawirle: August Bergkvist/SR Uppland.

Nin ayaa lagu toogtay dhaawacna loogu geystay magaaladda Uppsala iyadoona qeybaha ambalaasta ay ninkaasi ula carareen cisbitaalka iyada oo ninkaasi la dhaawacay ay yaqaaneen booliska waxaana soo gaaray dhaawac halis ah.

Booliska ayaa markii ay saacadu aheyd afar saac waxaa soo gaartay qeylo dhaan ah in qof lagu toogtay qeybta ay ku yaalaan wershadaha magaaladda Uppsala ee la yiraahdo Boländerna sida ay u sheegeen bileyska idaacadda P4 qeybteeda gobolka Uppland.

Falka lagu dhaawacay ninkan ayaa waxuu ka dhacay meel horay loogu bartay mid ka mid kooxha mootooyinka dhug dhugleyda kaxeysta Bandidos.

Booliska ayaa ku sheegay da’da ninka la dhaawacay 35 jir wxaana dhaawac uu ka soo gaaray caloosha..

Bileyska Uppsala ayaa sheegay in aan cidna loo soo xirin falkani.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".