Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Ra'yi aruurin

Taageerada Håkan Juholt oo hoos u sii socota

La daabacay måndag 7 november 2011 kl 09.14
Håkan Julot. Sawirle: Anders Wiklund/ Scanpix.

Waxaa weli hoos u sii socota taageeradda xaga ra’yi aruurinta ee hoggaamiyaha xisbiga Sooshiyaal Dimoqraadiga Håkan Juholt iyada oo ra’yi aruurin ay sammeeyeen wargeyska DN iyo hayada Synovate ay muujineyso in ra’iisal wasaare Fredrik Reinfeldt uu si weyn kaga sarreeyo Håkan Juholt xagga taageerada ra’yiga dadka oo meelo fara badan laga sammeeyay.

Dad ka badan 1 000 qof oo ku nool ilaa iyo shan deegaan kuwaasi oo la weydiiyay cida ay jeclaan lahaayeen in ay noqoto ra’iisal wasaare ayaa intooda badan waxay door bideen ra’iisal wasaaraha hadda xilka haya ee Fredrik Reinfeldt. Xitaa taageerayaasha xisbiga Sooshiyaalka ayaan taageero buuxda u muujinin hoggaamiyahooda.

Sida uu soo qoray wargeyska DN keliya labo deegaan ayuu Juholt kaga taageero batay Reinfeldt.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".