Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Qiimaha Raashinka oo Hoos u Dhacay

La daabacay måndag 7 november 2011 kl 10.14

Qiimaha raashinka ayaannu is-baedel ku iman 18-kii sannadood ee ugu dambeeyey, halka raashinka qaarkii uu qiimahiisu hoos u dhacay.

Middaa ayaa la oran karaa inay ugu wacan tahay ka mid noqoshadii xubneed ee ururka midowga Yurub ee EU-da sannadkii 1995, taasi oo dhalisay cashuurta dahsoon oo yaraatay, tartankii shirkadaha raashinka oo batay iyo wax soo saarka oo ka sii wanaagsanaaday sidii hore, halka dadka qaarkii qabaan in tayadiina kas ii xumaatay.

- Xitaa waxaa hoos u dhacay qiimihii raashinka, middaasina oo xaqiiqdii ugu wacan tahay ka mid noqoshadii xubinnimo ee ururka Midowga Yurub (EU) iyo sidoo kale tartanka shirkadaha cunnada iyo wax-soo-saarkii oo kor u kacay, sida ay sheegtay Louise Ungreth, ahna sarkaalad ka howl-gasha ururka macaamiisha iyo cimilada ee magaalada Istockholm oo baaritaankan sameeysay.

Baaritaankana ayay sarkaaladdu ku ogaatay in sannadkii 1993 ay kiilada hilibka digaaggu joogtay 47:50 koron. Halka ay maanta lagu kala iibsado 38:90 koron. Iyadaoo sicir-bararku uu muddadaa kor u kacay 22%. Sidoo kale waxaa middaa tusaale loogu soo qaadan karaa qiimaha hilibka milixeeysan ee khaansiirka (Kassler) oo qiimihiisu hoos u gaaray maanta 70:90 kiiladii, halka uu sannadkii 1993 ka ahaa 114:00 oo koron.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".