Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Suuqa shaqada

La socoshada shaqaalaha dibedaha laga keeno oo la adkeyn doono.

La daabacay måndag 7 november 2011 kl 10.18
Wasiirka socdaalka Tobias Billström. Sawirle: Pontus Lundahl/Scanpix

Wasiirka socdaalka Tobias Billström ayaa waxuu sheegay in sanadka soo socda si aad ah isha loogu heyn doono shaqo bixiyaasha shaqooyinka siiya dadka ka soo haajiray dalalka ka baxsan midowga Yurub.

Wasiirka oo ad la hadlay wakaaladda wararka Ekot ayaa waxuu sheegay in sharkadaha ama dadka bixiya shaqooyinka in ay si qaldan ugu faa’ideystaan shaqaale ka yimaada meelo ka baxsan midowga Yurub iyaga oo siiya shaqaalahaasi mushahar hooseeya iyo xaaladda lagu shaqaaleysiiyo oo aan wanaagsaneen.

Tobias Billström ayaa sheegay in hayada socdaalka iyo mida cashuuraha ee Skatteverket ay bilaabi doonaan wada shaqeyn iyo in ay is weydaarsadaan warbixino si loo helo dadka shaqooyinka bixiya ee arrimahaasi laga hadlay ku jira.

Wasiirka socdaalka ayaa intaasi ku sii daray in hayada socdaalka ee Migrationsverket uu noqon doono mid dadaalkiisa sii kordhaya tusaale ahaan iyada oo hayada si dhow ula shaqen doonta hayada cashuurada iyada oo uu sheegay in hayada socdaalka ay ku xiri doonto boggeeda macluumaadka kan hayada cashuuraadka ee Skatteverket.

Ururka iskaashiga dhaqaalaha ee qaaradda Yurub OECD ayaa waxrbixin soo baxeysa waxuu ku dhaliilayaa Iswiidhanin aysan uu yaryahay ka war qabkeeda xagga shaqaalaha iyada oo warbixinta ay ku talineyso in Iswiidhan ay hagaajiso la socodkeeda mushaharada iyo xaaladaha shaqo ee la socda shaciga oggolaashaha shaqada iyo dadka shaqo doonka ah.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".