Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Isdhexgalka

Shirkadaha yar yar oo lagu ammaanay is dhexgalka.

La daabacay måndag 7 november 2011 kl 11.57
Xrunta iibka ee Kista. Sawirle: Maja Suslin

Shirkadaha yar yar ayaa ah kuwa ugu wanaagsan ee abuura is dhex galka iyada oo la sheegay in sharkadahaasi ay shaqaaleysiiyaan dadka soo galootiga ama dadka ka soo jeeda dibedaha, sida ku cad warbixin uu maanta soo bandhigay urur ay leeyihiin shirkadaha.

Warbixinta ayaa sheegeysa in shirkadaha ugu yay in ay ka shaqeeyaan 12 boqolkiiba dad soo galooti ah oo ka yimid meelo ka baxsan qaaradda Yurub.

Marka lala bar bar dhigo shirkadaha waaweyn sida kuwa dowladaha waxaa ka shaqeeya 3 boqolkiiba waa tirada dadka soo galootiga. Dadka maamula shirkadahaasi ayaa ku dooda in dadka soo galootiga ee tacliin wanaagsan leh in ay u fududahay in ay ka helaan shaqo bulshada dhexdeeda

Kala duwanaashaha tirada ee dadka ka soo jeeda dibedda iyo kuwa u dhashay Iswiidhan ee xagga shaqo helida ayaa aheyd mid sideeda tan iyo sannadkii 2000 iyada oo farqiga u dhaxeeya uu yajay 30 boqolkiiba.

Sideed ka mid ah tobankii ruux ee ku dhashay Iswiidhan ayaa shaqeeya halka dadka soo galootiga ah ay tahay shan ka mid ah tobankii ruuxba.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".