Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dambi

Amar xarig ah oo laga soo saaray dilkii waayeelada ee Långared.

La daabacay måndag 7 november 2011 kl 12.53
Booliska oo jooga beerta Långared ee waayeelada lagu dilay. Sawirle: Björn Larsson Rosvall/Scanpix

Waxaa soo baxay amar la doonayo in lagu soo xiro labo nin oo loogu shakisanyahay dil dhowaantan loogu geystay lamaane waayeel ahaa deegaan la dhaho Långared kuna yaala meel in yar ka baxsan degamada Alingsås.

Labada lamaane ee da'da ahaa ayaa lagu dhex dilay beertooda iyada oo booliska ay heleen meydadkooda oo garba duub u xiran.

Dambi baarayaasha ayaa qaba in dilka uu la xiriiro dhac. Labada nin ee maanta la soo saaray amarka lagu soo  xirayo ayaan aheyn dad horay loogu shakisanaa oo ku jiray gacanta booliska.

Amar xariga labada nin ayaa soo baxay iyada oo aan gacan lagu heyn lana ogeyn halka ay joogaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".