Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Bog lagu Shaaciyey Magacyada Dadka Dhallaanka u Galmooda

La daabacay måndag 7 november 2011 kl 17.13

Bog internetka ee dalkan ka aloosan ayaa lagu shaaciyey war-bixinnada dadyowga lagu xukumey dembiga ah iney u galmoodeen dhallaan da'yar (pedofil), iyadoona boggaa lagu andaceeyey hayadda kormeerka ee wararka lagu daabaco bogagga internetka iyo in falkaasi yahay mid jebinaya xeerka war-bixinnada shakhsiga.

Hayadda boliiska ayaa laga soo xigtey in bogagga lagu soo daabaco magacyada iyo war-bixinnada shakhsiyada noocaasiya ey aad kor ugu kaceen sannadihii ugu dambeeyey, iyadoona ey adag tahay in cid loo raacdo.

Sida uu sheegey af-hayeen boggaa u hadlayay in muhiimadda ka dambeeysaa tahay sidii dood middaa looga dhalin lahaa iyo in ciqaabta la adkeeyo. Ruuxaa ayaa sidoo kale sheegey in aannu masuuliyadda sharci ku lahayn bogga, inkastuu filayo in boliisku wareeysi ugu yeero.

Iyadoona haddii dembi ey galeenna aannu u arag wax dhibaato ah maadaama uu damiirku kala weyn yahay, sidaa-daraadeedna loo ilaawo dembiga la galay, sida uu sheegey.

Iminkadan ayuu sal-dhigga boggaasi ku yaalaa dalkan Iswiidhen, halka ey ku talo jiraan iney u raraan dalka Mareeykanka, halkaasina oo xeerar ka duwan ey ka howl-galaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".