Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shirkadda GM oo Joojin Karta Iibka Saab

La daabacay måndag 7 november 2011 kl 17.39
General Motors oo ka shaki qabta heshiiska Saab iyo Shiinaha. Sawirle: Scanpix.

Shirkadda gawaarida ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano GM ayaa sida ey qorayaan war-geeyso badani uuna ka mid yahay war-geeyska SvD boggiisa wararka ee internetku sheegay in GM caqabad ku noqon karto iibinta shirkadda Saab. Sida war-geeysku qoreyna in noocyada gawaarida saab 9-3, 9-5 iyo 9-4x in loo iibiyo laaysanka sida ey iminka yihiin.

Middaa ayaa la sheegayaa in GM ku macneeysey in aaney doonayn inay halis galaan howlaha shirkadda ee dalkaasi Shiinaha, halkaasina oo ey xiriir wada-shaqeeyn wadaagaan shirkadda Shangahai Motors iyadoona suuqa shiinuhu uu shirkadda GM u yahay midka ugu muhiimsan ee mustaqbalka.

- Waxa laga hadlayo waa leeysimmada teknikada, mana ahan mid aan diyaar u nahay inaan halkaa ka sii wadno haddii heshiiskaasi dhabba-galo, sida uu James Cain u sheegay war-geeyska SvD

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".