Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Cayaaraha

Ibrahimovic oo ku guuleystay kubada dahabka ee Iswiidhan.

La daabacay tisdag 8 november 2011 kl 09.50
Ibraihmovic laacibka sanadka ee Iswiidhan. Sawirka: Scanpix

Zlatan Ibrahimovic ayaa sanadkii shanaad oo xiriir ah waxuu ku guuleystay bilada kubada dahabka ee ciyaaryahanka sanadka ee  Iswiidhan iyadana tani ay tahay biladiisa toddobaad ee uu ku noqday ciyaaryahanka ugu wanaagsan dalka.

Abaalmarintan ciyaaryahanka ugu wanaagsanaa ee sannadka ayaa waxaa xalay lagu bixiyay xarunta bandhiga kubada cagta ee Globen.

Xeer beegtada gaartay go’aanka lagu guddoonsiiyay Zalatan Ibrahimovic abaalmarinta ciyaaryahanka sanadka ee Iswiidhan ayaa waxay sheegeen in Zalatan uu sidaasi ku mutay dadaalka kubada cagta e eka muujiyay heer qaran iyo naadiga uu u ciyaaro ee AC Milano ee dalka Talayaaniga.

Ibrahimovic ayaa u mahad celiyay reerkiisa, saaxibada uu la ciyaaro kubada cagta iyo taageerayaashiisa marka uu guddoomay kubada dahabka habeenkii xalay ahaa.

Zlatan Ibrahimovic ayaa waxuu qaaday laacibka ugu Iswiidhan sanadihii  2005, 2007, 2008, 2009, 2010 iyo 2011.

Xagga gabdhaha Lotta Schelin ayaa ku guuleystay iyada oo qaadatay abaalmarinta kubada Dheymanka ee sannadka 2001

Lotta Schelin ayaa ka mid aheyd ciyaayahandii ugu wanaagsanaa ee Iswiidhan ka matala koobkii kubada cagta dumarka ee dhowaantan ka dhacay Jarmalka waxyna dhalisay goolkii muhimka ahaa ee laga adkaaday Australia waxay sidoo kale ay la qaaday kooxda Lyon horyaalka Champions league ee qaarada Yurub qeybta gabdhaha.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".