Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Muran ka taagan warbixin laga soo saaray Falastiin.

La daabacay tisdag 8 november 2011 kl 10.41
Wasiirada Iskaashiga Gunilla Carlsson. Sawirle: Bertil Ericson / SCANPIX .

Qoraal ay soo saareen kooxo Falastiiniyiinta u dooda looguna magac daray (Gumeysi iyo midab takoor- ku heysashada xooga Israa’iil ee geygiga Falastiin) ayaa waxuu dhaliyay dhaliilo iyada oo kooxaha soo saaray buugan ay ku haleyn soo saarida warbixintan lacag gaareysa  700 000 karoon.

Lacagta ayaa waxaa la siiyay urur la yiraahdo Fourm Syd iyadoona ay bixisay hayada iskaashiga caalamiga ee SIDA.

Wasiirada Iskaashiga caalamiga Gunnila Carlsson ayaa sheegtay in cinwaanka warbixintaasi uu yahay mid aan dhexdhexaad aheyn  sida uu soo qoray wargeyska Svenska Dagbladet waxyna sheegtay in ay iyadu la tahay in lacagta cashuurta ee ay dadku bixiyaan in aan loo isticmaalin arrimahaasi oo kale.

Guddoomiyaha ururka Forum Syd ee warbixinta uu soo saaray loo jeediyay dhaliisha ahna xubin ka tirsan baarlamanka oo ka mid ah xisbiga Miljöpartiet Bodil Ceballos ayaa qaba aragti ah in wasiirada  Gunilla Carlsson ay isku mashquulineyso awooda wasiirnimo haddii ay dooneyso in ay mamnuucda fekeradaha xaq u doodista ee hayadaha madaxbanaan.

Hayada Sida ayaa aragti ahaan qabta in warbixinada ay soo saareen hayada ay taageerto in ay noqdaan kuwa isu dheela tiran oo aan cidna u xaglineynin.

Hayada ayaa sidoo kale damacsan in ay kala hadasho hayada Forum Syd warbixintan ladhaliilay balse ujeedadeeda ma ahan in ay soo ceshato lacagta ay hore u siisay hayadaasi.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".