Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Mushkilada Giriiga

Dadka Giriiga oo u soo qaxaya Iswiidhan.

La daabacay tisdag 8 november 2011 kl 11.30
Qashinka oo buuxa mid ka mid ah waddooyinka Athens ka dib xaalada dhaqaalaha oo xumaatay

Dadka leh tacliinta ee dalkaasi Giriiga ayaa hadda bilbaabay in isaga qaxaan dalkooda ka dib markii xaalada dhaqaalaha dalkaasi ay sii adkaatay iyada oo qaar badan oo ka mid dadka ka soo qaxay dalkaasi ay soo gaareen Iswiidhan sida uu sheegay Dimitrios Karkamanis oo agaasime iyo la taliye ka ah urur xiriiriya Iswiidhan iyo mujtamaca Giriiga.

Dadka intooda badan soo gaaray Iswiidhan ee ka soo tegay Giriiga ayaa ah dhaqaatiir, Injineero iyo dad dhammeystay waxbarashada jaamacadda waxaa xitaa ka mid ah shaqaale caadi ah oo doonaya in ay ka shaqeystaan Iswiidhan ama ay wax ka bartaan.

Marka si loo fiiriyo Iswiidhan waa ay u wanaagsantahay dadkani shaqo ahaanta ugu soo qaxaya Iswiidhan waayo baa la leeyahay waa dad aqoontooda wanaagsantahay oo Iswiidhan hal Karoon kagama baxayo waxbarashada dadkani waana dad buuxinaya boosaska shaqo ee hadda ka banaan Iswiidhan sida uu sheegay Dimitrios Karkmanis.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".