Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Waxbarashada

Ardada u gudubta dugsiyada sare oo hoos u dhacay.

La daabacay tisdag 8 november 2011 kl 12.25
Arday wax ka baraneysa dugsi sare. Sawirle: Björn Larsson Ask/Scanpix

Waxaa hoos u dhacday tirada ardada ka soo baxda fasalada sagaalaad ee u gudba waxbarashada dugsiyada sare iyada oo sanadkan 87,7 boqolkiiba ay noqotay ardada aada dugsiga sare sida ay sheegtay hayada iskuulada ee Skolverket.

Sanadkii hore ayaa tirada waxay aheyd mid ka badneed inta ay hadda tahay waxaana ardayda ka soo baxda fasalka sagaalaad una gudubta waxbarashada dugsiyada sare ay aheyd 88,2 boqolkiiba waa sanadkii 2010-ka.

Sababta hoos u dhaca keentay ayaa lagu sharxay in ay tahay sharuudaha loogu gudbayo dugsiga sare waxbarashadiisa oo la adkeeyay.

Maadooyinka Ingiriisiga, Xisaabta iyo Iswidhishka ayaa ah in ardayga uu ka heysto buundooyin wanaagsan marka uu u gudbayo waxbarashada dugsiga sare.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".