Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Danjiraha Eritareeya u fadhiya Iswiidhan oo la dacweeyay.

La daabacay tisdag 8 november 2011 kl 16.15
Eritariyaan kaga dibed baxeysa Uppsala cashuurta ay dowladooda ka qaado. Sawirle: Jonas Ahlman/P4 Uppland.

Labo ruux oo u dhalatay dalka Eritareeya balse heysta dhalashada Iswiidhan kuna magaalada Uppsala ayaa waxay dacwad ka gudbiyeen danjiraha Eritareeya u fadhiya Iswiidhan iyaga oo ka dacwoonaya cashuur dowlada Eritareeya ka qaado dadkeeda ku nool Iswiidhan.

Dowlada Eritareeya ayaa cashuurtan ka qaadeysa muwadiniinteeda ku nool Iswiidhan laakiin waa markii ugu horreysay ee dad Eritariyaan ah ay ku dhiiradaan in dacwad ay ka keenaan arrintaasi gudaha dalka Iswiidha iyada oo markii hore dadka ay ka cabsanaayeen cawaaqib kaga imaan kara dhanka Eritareeya.

In badan oo ka mid Eritariyaanka dibed jooga ah ayaa ka cabanaya in danjiraha Eritareeya u fadhiya Iswiidhan uu handadaad iyo cadaadis uu kaga aruuriyo cashuur dadka Eritriyaanka ee ku nool Iswiidhan iyo waddamo kale oo yurub ku yaalla iyada cashuurtaasi oo gaareysa 2 boqolkiiba ay ku dhacdo qasnada dowlada Eritareeya.

Dadka Eritareeyaanka ayaa sidoo kale bixya cashuurta Iswiidhan oo ah halka ay imminka ku noolyihiin.

Labada qof ee maanta dacwad u gudbiyay bileyska ayaa magacyadooda lagu sheegay Rezene Tesfazion iyo Medhanie Neraio waxayna ku nool yihiin magaaladda Uppsala iyada oo labadan qof ku dhiiradeen arrin muddo ay ka baqayeen dadka Eritariyaanka ee ku nool Iswiidhan som tog sig mod att anmäla indrivningen.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".