Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Afghanistan

Iswiidhan oo ciidankeeda kala soo baxeysa Afghanistan sanadka 2014.

La daabacay onsdag 9 november 2011 kl 09.30
Ciidanka Iswiidhan ee jooga Afghanistan. Sawirka waa keyd. Sawirle: Henrik Klingberg/FS21/Försvarsmakten.

Ciidamada Iswiidhan ee jooga dalka Afghanistan ayaa baneen doona xerada ugu weyn ee ay ku leeyihiin magaaladda Mazar-i-Sharif ee waqooyiga dalkaasi iyadoo tanina ay qeybka tahay qorshe la doonayo in ciidamada Iswiidhan ka jooga Afghanistan in tiradooda laga hoos mariyo 500 sanadkan lana gaarsiiyo 200 sanadka 2014.

Labada boqol  askari ee Iswiidhan ee ku hari doona dalka Afghanistan sanadaka 2014 ayaa howshooda noqon doono tababarida ciidamada dalka Afghanistan.

Guud ahaan ciidamadda Iswiidhan ayaa la isugu geyn doonaa xero ay maamulaan ciidamada Jarmalka oo ku taalla degmo la yiraahdo Marmal iyada oo sidoo kale isla xeradan la keeni doono guud ahaan ciidamadda shisheeyaha ee jooga Afghanistan dhankeeda waqooyi.

Peter Rådberg oo ka tirsan xisbiga Miljöparti-ga iyo Urban Ahlin oo ka tirsan xisbiga Sooshiyaalka ayaa labaduba waxay la tahay in arrinkan uu yahay tallaabo fiican oo ay micnaheedu noqon doonto in guud ahaan waqooyiga Afghanistan in ay noqoto meel aysan joogin ciidamo shisheeye.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".