Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Sirdoonka

Xisbiyo doonayo in la sii furo keydka Säpo ee sirdoonkii Jarmalka bari.

La daabacay onsdag 9 november 2011 kl 09.54
Xisbiga Centerpartiet oo doonaya in la sii furo keydka sirta Säpo ee sirdoonkii Jarmalka bari. Arkivfoto: Soeren Stache/Scanpix

Qaar badan oo ka mid ah xisbiyada ku jira baarlamanka ayaa ka baaran degaya in weydiiyaan hayada sirdoonka ee Säpo in ay wax badan ka furto waxa loogu magac daray sirtii hayadii sirdoonka ee dalkii la oran jiray Jarmalka bari ee Stasi.

Xisbiga Dhexe ayaa doonaya in sirtaasi laga furo in ka badan inta hadda laga ogyahay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee TT.

 Johan Linander oo ka tirsan xisbiga Dhexe ahna ku xigeynka madaxa qeybta sharciga ee baarlamanka ayaa sheegay in arrinka uu yahay in meel dhexaad la isugu yimaado fur furnaasho iyo sir.

Su’aashan ka taagan sir sheegida ee hayada sirdoonka Säpo ee ku saabsan keydka sirta ee xiriirka ka dhaxeeyay dad Iswidhish ah iyo hayadii sirdoonka bariga Jarmalka ee Stasi ayaa soo if baxday ka dib markii haweeney cilmi baare ah oo la yiraahdo Birgitta Almgren kana tirsan jaamacadda Södertörns ay soo saartay buug ay ka qortay arrintaasi bishii Sibteembar ee sannadkan.

Sannadkii 2010-ka ayay maxkamadda dowladda waxay u oggolaatay Birgitta Almgren in ay galaangal xadidan u hesho keydka sirdoonka laga hayo hayadii basaaska ee Jarmalkii bari waxyana buug ay soo saartay ku sheegtay in 57 ruux oo Iswidhish ah ay u shaqeynayeen hayada sirdoonka Jarmalka bari ee Stasi.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".