Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Habka loo Badbaadin Karo Saab

La daabacay onsdag 9 november 2011 kl 10.29

Go'aankii shirkadda gawaarida ee GM ay ku gaartay diidmada in aan la iibin karin leeysannada shirkada gawaarida ee Saab oo ey hore heshiis u wada gaareen shirkadaha Pang Da iyo Youngman ee laga leeyahay dalka shiinaha ayaa noqon kara xabaashii shirkadda Saab. Inkastoo wasaaradda manaafacaadka ee dalka Shiinuhu NDRC (National Development and Reform Commission), heshiiskaa qalinka ku duugi karto, middaasina macnaheedu tahay in shirkadda GM ay ku qasabto inay heshiiskaa ogolaato.

Illaa iyo hadda ayaaney wasaaraddu wax go'aan cad ka soo saarin heshiiska shirkadaha shiineesku la galeen Saab, hase yeeshee sida uu sheegay suxufi Stephan Lövgren oo ka howl-gala war-geeyska Göteborgsposten, in NDRC ay macquul u tustay middaa mar ay carwo gawaari ka dhaceeysay magaalada Shangahai. Farriintaa ayaa ku khasbeeysa in shirkadda GM si taxadar leh u tallaabsato si aaney uga careeysiin hayadaha dawliga ee shiineeska.

- Si ka duwan sida aannu naqaano ayuu baayacmushtarku uga dhacaa dalka Shiinaha, dawladda dalkaasina awood ballaaran ayay ku leedahay. Haddii shirkadda GM ay ka careeysiiso shiinaha dhinacyo kale ayey caqabooyin kala soo gudboonaan karaan. Waa ammuur aan saadaalinayo, hase yeeshee maamulka GM waa uu la socdaa middaa iyo in qun-yar socodnimo loo baahan yahay, sida uu sheegay Stephan Lövgren isaga oo u warramaya laanta P1-morgon.

Intii aanay shirkadda GM go'aankeeda shaacin shalayto ayaa hore loo hadal hayay in shirkadda GM ku khasbanaan doonto inay heshiiskaa aqbasho haddii hayadaha dawliga shiineesku ey heshiiskaa ogolaansho saaraan. Waana ay dhici kartaa in rajada Saab ay iminka middaa tahay, inkastoo wakhtiguna sii wiiqayo. Bertel Schmitt aasaasihii bogga xusuus-qorka ee The truth about Cars oo muddo 30 sannadood ah ka howl-gelayay warshadaha gawaarida soo saara iminkana ku dhaqan dalka Shiinaha, ayaa qaba in shirkadda Saab aanay wakhti ku filan haysan.

- Shirkadda Saab waxay u baahan tahay dhaqaale iyo wakhti, labadaa midna ma hayso. Go'aan NDRC ay gaadhaana wuxuu qaadan karaa intii la doono, ciddii rajeenaysa in go'aan degdeg ah la gaari doonana maskaxda hayska baadho, sida uu sheegay Bertel Schmitt.

Sidoo kale waxaa jira caqabado kale ee hor taagan ama hor istaagi kara heshiiskaa, maadaama ay shirkadda GM wada-shaqeeyni ka dhaxeeyso shirkadda ugu wayn dalka shiinaha ee gawaarida soo saarta, Shanghai Automotive, sidoo kale shirkadda gawaarida ee kaalinta shanaad dalka shiinaha kaga jirta Bejing Automotive soona saarta noocyo ey ka mid yihiin noocyadii hore ee gawaaridii Saab.

Suurtagal kale ee shirkadda Saab leedahay ayaa noqon kara in agaasimaha shirkadda Saab Victor Müller dib u hanto awoodda shirkadda oo markaa dabadeed ay saami ku yeeshaan labad shirkadood ee shiineesku, halka iminka shirkadda dhammaanteed sida heshiisku yahay mulki u yeelan doonaan shirkadaha shiineesku. Waa saadaalin uu bixinayo suxufiga, qoraaga Jens B Nordström, mar uu u warramayay idaacadda P1-morgon:

- Waxay ila tahay inay wanaagsanaan lahayd inuu Victor Müller masraxa dib ugu soo noqdo, maadaama uu hore uga heeystay shirkadda GM ogolaansho leeysanka ah marka laga hadlayo dhanka shirkadda Swedidh Automobile.

Xitaa haddii ay shirkadda GM ku dhawaaqday in aanay leeysinnadaa sii deyneeyn , waxaa suurtagal ah in xalku noqdo in GM dhaqaale wanaagsan ay ku hesho, sida uu idaacadda P1-morgon u sheegay Stephen Lövgren, ahna suxufi dhanka dhaqaalaha ka soo warrama ee ka howl-gala war-geeyska Göteborgsposten:

- Haddii runta laga hadlo lacag ayey amuurahani salka ku hayaan. GM waa shirkad macaash ku shaqeeysa. Haddi dhaqaale ay ku heleeyso ama heshiiska lagu ballan-qaadayo in leeysannadeeda ey ammaan gelayaan, markaa

Waa suurtagal in heshiis la wada gaaro, sida uu sheegay suxufi Stephan Lövgren, oo ka howl-gala wargeeyska GP, mar uu warramayay idacadda P1-morgon.

Isha: p1-morgon + ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".