Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Cisbitaalada

Cisbitaalada oo laga mamnuucay in la isku sawiro.

La daabacay onsdag 9 november 2011 kl 10.43
Qaar ka mid bukaanada iyo shaqaalaha caafimaadka oo dhibsaday sawirada laga dhex qaato Cisbitaalada. Sawirle: Yoshikazu Tsuno/Scanpix

Maamulka caafimaadka ee gobolo badan ayaa mamnuucay in la isku sawiro ama filin laga duubto cisbitaalada iyada oo qeybaha dhalmada laga doonayo in waalidiiinta ay fasax gaar ah u soo qaataan in ay sawiro ka qaataan caruurtooda markaasi dhasha.

Arrintan ayaa ah mid muran badan dhalisay iyada oo dadka dhaliilaya ay sheegayaan in mamnuucidan ay sii adkeyn doonto in la kashifo tacadiyada ka dhaca xarumaha daryeelka caafimaadka.

Waxay iska aheyd wax iska caadi ah in waalidka uu sawiro ka qaato ubadka u dhasha laakiin waxaa iska caadi noqotay in in filimo laga qaado shaqaalaha caafimaadka ee qeybaha dhalmada ee cisbitaalada iyada oo dadka ay adeegsanayaan tilifoonadooda gacanta.

Aalada casriga sii noqoneysa ee tiknoolijiyada ee lagu dhex isticmaalo cisbitaalada si wax loogu duubto ayaa waxay dareen ahaan sababeysaa in ay dhibsadaan shaqaalaha caafimaadka iyo bukaanada qaarkood.

Wargeyska Dagens Nyheter ayaa soo qoray in gobolo badan oo dalka ku yaalla in ay si guud ah u mamnuucayaan in la isku dhex sawiro cisbitaalada.

Gobolada Kalmar, Kronoberg, Värmland, Västra Götaland, Örebro iyo Östergötland ayaa ah gobolada hadda mamnuucay in la isku dhex sawiro cisbitaalada waxaana jira saddex gobol oo oyaguna raaci doona.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".