Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Waxbarashada

Dhaliilo loo jeediyay iskuulada dalka.

La daabacay torsdag 10 november 2011 kl 09.33
1 av 2
Marie-Hélèn Ahnborg Agaasimaha hayada kormeerta iskuulada
Shaxda cabashooyinka hayada ka soo gaaray iskuulada
2 av 2
Shaxda cabashooyinka hayada ka soo gaaray iskuulada

Hayada kormeerta iskuulada ayaa ku dhaliishay isluulada qaar in aysan u hoggaasamin sharciga ka yaala dugsiyada dalka sidoo kalana aysan siin kaalmada ay u baahiyihiin ardada wax ka dhigata iskuulada.

Waxaa soo gaara cabashooyin fara badan hayadani kormeerta iskuulada waxaana sii kordhay go’aanada ay hayada ku dhaliisho iskuulada.

Cabashooyinka soo gaaray hayada sagaalkii bilood ee ugu horreeyayee sanadkii hore ayaa waxay ahaayeen 175 iyada oo sanadkana ay gaarayaan cabashooyinka 221.

Marie-Hélèn Ahnborg oo ah agaasimaha hayada kormeerta iskuulada ee (Skolinspektionen)  ayaa rumeysan in daldaloolada jira ee xagga iskuulada ay tahay in iskuulo fara badan ay sammeeyaan qaladaad ayna si toos ah u eegeen baahida ardayga iyada oo sidoo kale sheegtay in iskuulada aysan waxba la socon haddii dadaalada lagu sammeynayo waxbarashada ardayga ay shaqeynayaan iyo in kale.

Sanad dugsiyeed deyrta ayaa waxaa soo baxay sharci adag oo ah in iskuulada aysan u joojin karin dadaalada wax lagu barayo ardada sababo lacag la’aan ama agab la’aan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".