Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dhallinyarada Hore u Gasha Nidaamka Howlgabka

La daabacay torsdag 10 november 2011 kl 09.58
Emma Roslund, Lovisa Eklind, Mats Andersson, Emelie Nilsson iyo Mats Andersson, dhallinyaro rajo ka qabta iney shaqa helaan. Sawirle: Erik Holmlund/P4 Skaraborg Sveriges Radio

Waxaa kor u sii kacaya dhallinyarada suuqa shaqada dibadda uga sii baxeysa, kuwaasina oo gelaya wixii hore loogu magacaabi jirey hor-u-gelid howl-gab, iminkana la magac-baxay mag-dhow tababar (aktivitets ersättning).

Maanta ayey laba jibaar dhallinyarada da'doodu u dhaxeeyso 20 illaa iyo 24 ey ku jiraan nidaamka mag-dhow-tababar marka loo barbar-dhigo siddeed sannadood hortood, sida ku cad war-bixin ay soo saartay hayadda ceeymiska bulshada laguna soo daabacay wargeeyska Dagens Nyheter (DN).

Irene Wennemo, ahna dhaqaale yahan ka howl-gasha ururka daladda shaqaalaha ee LO ayaa gacan yare ka hayad baaritaankan:

- Waxay middaasi muujineeysaa inay tahay qayb la ilaaway ee siyaasadda suuqa shaqada. Mana aysan ahayn koox laga fekerey kolkii la dejinayey is-bedelka siyaasadeed ee ceeymiska bulshada. Waa mid indhaha laga dabooshay laguna daayey inuu sidaa muddo isaga sii socdo iyadoo dhanka kalena is-bedel ballaaran uu ku guda jiray. Waa xaalad dhallinyaro fara badan bannaanka ka istaajineeysa suuqa shaqada.

Dawladda ayaa dhowaantan masuuliyad dhabarka u saartay hayadda ceeymiska sidii ey uga soo baaraan-degi lahayd sidii dib dhllaanka loogu soo hagi lahaa suuqa shaqada.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".