Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.
Qaxootiga

Caruurta qaxootiga ah iyo maxkamada hayada socdaalka.

La daabacay torsdag 10 november 2011 kl 10.15
Astaanta hayada socdaalka. Sawirle: Claudio Bresciani/Scanpix.

In badan oo ka mid ah caruurta qaxootiga ah ee yimaada Iswiidhan ayaan la siin fursad ay kaga dhex hadlaan  maxkamada hayada socdaalka si ugu waramaan xaaladahooda sida lagu sheegay cilmi baaris ay sammeysay wakaaladda wararka ee Ekot iyada oo keliya  mid ka mid ah afartii caruurba ay maxkamada dhageysto.

Linus Trogeby oo ah qabiir ka tirsan hayada badbaadada caruurta si weyna u yaqaana arrimaha qaxootiga ayaa aminsan in ay muhiim tahay in la maqlo qisooyinka caruurta qaxootiga ah si buu leeyahay ay u sheegaan sababaha ay magan gelyada ugu soo doonteen Iswiidhan iyo qibradaha ay soo mareen isaga oo sheegay in ay tahay wax qiimo leh in caruurta la dhageysto.

Qabiirkani ayay la tahay in loo baahnyahay isbedel marka laga hadlayo caruurta qaxootiga ah ee soo gaara Iswiidhan.

Sharciga ayaa waxuu ku dhisanyahay axdiga xaquuqda caruurta gaar ahaan marka laga hadlayo caruurta laajiyiinta ah waxuuna sharciga uu qabaa in aan maxkamad lagu dhex wareysan karo qof caruur ah ilaa mooyee aysan aheyn wax aan habooneen.

Inta ay cilmi baarista ay socotay ayay hayada wararka ee Ekot waxay la kulantay gabar loo diiday in wareysi afka lala yeesho. Gabadhani oo u dhalatay dalka Serbiya ayaa waxay timid Iswiidhan iyada oo 16 sano jir ah waxaana wareysiga uu la yeeshay hayada socdaalka ugu turjumay turjubaan ku hadlay lahjad aysan garaneynin oo ah afka Roman-ka iyada oo la yaabtay sababta loogu diiday in wareysi afka ah lagula yeesho maxkamad si ay u hesho fursad ay kaga sheekeyso xaalada ay soo martay.

’’Ma garan karo sababta ayaa sidaasi igula dhaqmayaan, ma fahmi karo, ayay tiri gabadhan oo loo diiday sharciga deganaanshaha iyada oo imminka ku jira nolol dhuumaaleysi ah.

Madaxa maxkamada hayada socdaalka ee  magaaladda Göteborg  Dag Stegeland ayaa sheegay in hayada socdaalka ay haboontahay in ay mar kale dib u eegto dacwada gabadhaasi fursadna loo siiyo in ay ka dhex hadasho maxkamad loona qabto turjubaan ku hadli kara luuqad ay fahmeyso.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".