Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.
maaliyada

Madaxa Bankiga Nordea oo ka hadlay guri qaali ah oo loo iibiyay.

La daabacay torsdag 10 november 2011 kl 10.33
Christian Clausen madaxa bankiga Nordea

Guddoomiyaha bankiga Nordea ayaa hadda sammeeyay dib ugurasho ka dib markii sii xoogeystay dhaliisha loo jeediyay qorshe bankigaasi uu ugu iibiyay isaga guri ku yaalla  magaaladda Stockholm kaasi oo laga bixiyay lacag gaareysa 22,5 milyan oo karoonka Iswidhishka ah sdia uu soo qoray wargeyska SvD.

Christian Clausen guddoomiyaha bankiga Nordea oo la hadlay wargeyska Svenska Dagbladet ayaa sheegay in ay la tagtay oo ay si weyn u ruxday mowjada la dhalatay guriga uu u iibiyay bankiga.

Ilaa iyo inta uu soo baxay hadalkan guriga loo iibiyay madaxa bankiga Nordea ayaa Clausen waxuu diidanaa in uu ka hadlo arrintaasi laakiin hadda ayuu bedelay go’aankaasi.

Xaaladda ku saabsan bankiga Nordea guriga loo iibiyay guddoomiyaha bankigaasi ayaa sii xumaatay maalintii shalay ka dib markii wasiirka maaliyada Anders Borg uu ugu baaqay macaamiisha aan qanacsaneyn ee bankigaasi in ay ka bedeshaan bankiga.

Guriga loo iibiyay Christian Clausen ayaa waxaa lagu dayac tiraya lacag dhan saddex milyan iyo bar karoonka Iswiidhan iyada oo guriga uu ku fadhiyo dhul xaadiisu dhantahay 256 mitir oo isku wareeg ah.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".