Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shilalka kufida ama dhicida oo ay ku baxdo lacag aad u fara badan.

La daabacay torsdag 10 november 2011 kl 16.29
Qof ku socda baraf lagu dhici karo. Sawirle: Tomas Oneborg/Scanpix.

Dad gaaraya 820 ruux ayaa maalin walba u baahda in si deg deg ah loola cararo qeybaha daryeelka caafimaadka ka dib marka ay kufaan oo ay dhulka ku dhacaan iyada oo shilalka dadka kufa ay yihiin kuwa ugu qarashka badan waxaana bulshada kaga baxda sanadkii lacag gaareysa 22 milyaardi oo karoon.

Ma ahan qarash muddo dheer la sii bixin karo , ayuu yiri  Jan Schyllander oo ah baare ka tirsan hayada dowlada u qaabilsan badbaada bulshada ee MSB iyada oo warbixinta maanta la soo bandhigay laga soo uruuriyay guud ahaan qeybaha dalka.

Haddii ay arrintan ku sii socota sida cisbitaalada waa laga weyn doono meel la dhigo shilalka caadiga ah dadka ku soo dhaawacma oo waxaa la arki doonaa dad simaha ka jabay iyo waxii la mid ah oo yaalla cisbitaalada ayuu hadalkiisa ku sii daray Jan Schylander.

Dhibkan ugu daran ayaa waxuu ka jiraa qeybaha dadka jaba lagu kabo ama la geeyo ee cisbitaalada iyo meelaha lagu daryeelo bukaanada jaba.

Goor dhow waxaa bilaaban doona barafka waxaana sii kordhi doona dadka soo jaba, ayay tiri Annika Lindqvist oo ka tirsan cisbtaalka dadka jaba lagu daweeyo IFK-kliniken ee magaaladda Göteborg.

Waxaa cisbitaalkani la dhigaa maalin walba dad ay dhibaato ka soo gaartay miskaha ama simaha, dad ka murgacada cagaha iyo dad ay ka kala baxdo lafta garabka ama kalxanta.

 Ma ahan wax lagu qoslo dhaawac qofka ka soo gaara sinta ama miskaha balse waxaa ka daran qofka haddii uu ka jabo cagta waayo waqti dheer ayay qaadaneysa in uu ka caafimaado, ayay tiri Annika Lindqvist.

Shilalka dhicida ama kufida ayaa waxaa ugu badan waayeelka inkastoo cid kasta oo kale ay ku dhacaan waxyeelana ka soo gaarto.

Stina Hedin, oo ah qof kale oo daweeya dadka jaba ayaa ka hadashay sida haweeney ay ugu taraaraxday mishaali ku daadatay kushiinkeeda iyo sida nin socod siinayay eeygiisa uu u dhacay.

– Laamiga godad ayaa ka qodnaa caleemo ayaana ii qariyay aniga ma arkin sidaasi ayaan u dhacay  Johan Otterstig oo ah qof ku jabay shil uu ku kufay una hadlay wakaalada wararka ee TT.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".