Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Mucjiso

Qoolleey raacda ama ku safarta tareenka tunnelbana-ha

La daabacay torsdag 10 november 2011 kl 16.49
Shimbirka laga hadlayo oo saaran Tareenka tunnalbanaha ee qadka Farsta strand

Shimbir nooca qoolleyda ah ayaa maalin walba waxay u raacdaa tareenka dhulka hoostiisa mara ee la yiraahdo tunnelbana inta u dhaxeysa maxadooyinka Farsta strand iyo Farsta centrum iyada oo shimbirkan uu suga tareenka ka dibna uu raaco.

Shadee Rönnbäck oo ah wade kaxeeya tareenka dhulka hoostiisa mara kana mid dadka sawirka ka qaaday qooleyda xilliga uu ku safrayay tareenka ayaa sheegay in ay isaga la tahay in shimbirkaasi uu yahay mid aan rabin in uu is dhibo iyada suuqa Farsta centrum uu u raaco tareen inta uu u duuli lahaa.

Qooleydan ayaa la sheegaa in ay ka soo cunto mirooyinka meelaha lagu qaxweeyo ee Santarkaasi.

Johan Lind oo ah professor wax ka dhiga culuunta xayaawanada ayaa sheegay gaar ahaan sida xayawaanka uu u fekero iyo maskaxdooda ayaa sheegay in ay tahay mid wax cajiib ah in qooleygan uu muujyo dabeecad sidan oo kala ah waxuuna sheegay in ay tahay markii ugu horreysay ee la arko iyada oo qof bina aadam ah uusan ku tababarin in shimbir ay sammeyo feker iyo qorshe muddo dheer soo socda.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".