Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay bakhaar bateri ee magaalada Landskrona. Xir albaabada iyo daaqadaha. warar intaa dhaafsii-san P4 Malmöhus ka daalaco.
Cashuurta

Hayada Cashuurta oo dar dar gelisay baacsiga dadka xada Cashuurta

La daabacay fredag 11 november 2011 kl 09.43
Astaanta hayada Cashuurta ee Iswiidhan. Sawirle: CHRISTINE OLSSON / SCANPIX

Hayada Cashuurta ee Iswiidhan (Skatteverket) ayaa waxay dar dar gelisay ugaarsiga ay ku raadiso dadka xada ama qiyaameeya cashuurta iyada oo hayada ay bilowday tallaabooyin hor leh oo ay ku raadsato dadka bixin waaya ama qiyaameeya cashuurta.

Hayada ayaa bilowday in ay boggeeda ka sammeyso qeyb ay bulshada ku soo wargelin karaan hayda dadka ku shaqeeya suuqa madow ama kuwa qiyaanada ku sammeeya cashuur bixinta iyada oo hayada ay rajeyneyso in  50 boqolkiiba ay sare u kacdo faariimaha hayada soo gaara ee dadka xada ama qiyaanada ku sammeeya cashuur bixinta sida lagu sheegay warbixin laga sii daayay tilifishinka Svt.

Hayada Skatteverket ayaa waxaa hadda soo gaara sanadkii ilaa iyo 20 000 oo fariimood oo ku saabsan dad loogu shakiyo in ay ku kaceen is daba marin cashuur.

Waxaa sanadkii la waayaa lacag gaareysa 130 milyan oo karoon sabab la xiriira noocyo kala duwan oo qaladaad dhaca ah iyo dad xada ama qiyaameeya bixinta cashuurta.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".