Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dambi

Dambiyada ka dhanka ah dadka Yahuuda ee magaalada Malmö.

La daabacay fredag 11 november 2011 kl 10.10
Dhismaha goobta cibaadada Yahuud ee Malmö. Sawirke: BERTIL ERICSON / SCANPIX

Dambiyada loo geysto dadka Yahuuda ee ku nool magaaladda Malmö ee koonfurta Iswiidhan ayaa sii kordhay iyada oo lixdii bilood ee sanadkan warbixinada soo gaaray bileyska ee arrintan ay tira ahaan la simantahay warbixinadii soo gaaray booliska sanadkii la soo dhaafay oo dhan.

Fredrik Sieradzki oo mas’uul u qaabilsan ururka dadka Yahuuda xagga warbaahinta ayaa u sheegay idaacadda caalamiga Iswiidhan qeybteeda magaaladda Malmö in intaba dambiyada lala eegto dadka Yahuud in ay dhacaan xilliyada ay dadka Yahuud u socdaan ama ka yimaadaan goobaha ay ku cibaadeystaan.

Booliska ayaa sannadkan diiwaan geliyay ilaa 21 oo ah dambiyada loogu yeero Yahuud naceybka iyo 105 oo ah dambiyada ajanabi naceybka iyada oo tiradan ay ka badantahay tii sannadkii hore.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".