Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Lacagta dul saarka

Lacagta dulsaarka bankiga dhexe.

La daabacay fredag 11 november 2011 kl 12.22
Stefan Ingves, madaxa bankiga dhexe ee Iswiidhan oo ka hadlaya shir jaraa'id

Madaxa baanka dhexe ee iswiidhan Stefan Ingves ayaa sheegay in lacagta dulsaarka ee bakiigaasi ee imminka ah boqolkiiba labo ay tahay mid hooseysa oo sax ah.

Stefan Ingves oo ka hor hadlay maalintii shalay baarlamanka ayaa sidaasi yiri mar wax laga weydiiyay lacagta dul saarka ee bankiyada Iswiidhan laakiin marka la eego xaalada hadda ka jirta dunida ee xagga dhaqaalaha ayaa horseedi karta in hoos loo dhigo mustaqbalka lacagaha dulsaarka balse aan ku jirin lacagaha dul saarka ee deymaha lagu iibsado gurayaha.

Shaxda dhaqaalaha ee bankiga dhexe ayaa tilmaameysa in heerka lacagta dul saarka ee bankiga dhexe ay sideedan ahaan karto ilaa iyo sanadka soo socda.

Stefan Ingves madaxa bankiga dhexe ee Iswiidhan ayaa aminsan in mishaakilka dhaqaalaha ee qaaradda Yurub uu yahay mid la xalin karo laakiin xaaladaaasi dhaqaale ayaa sii xumaaneysa waaxana dhici karta in bankiga dhexe uu hoos u dhigo lacagta dul saarka amaahda inkastoo madaxa bankiga dhexe Stefan Ingves uu sheegay in si taxadar ku dheehan tahay loo eego arrimaha socda.

Waan arki doonaa halka wadada ay ka baxdo waana hagaaji doonaa arrinka markii maalinteeda la gaaro waana wax aad u adag masiibada la xaliyo iyada oo aan imaan bal ka waran haddi aysan dhicinba, ayuu yiri Stefan Ingves madaxa bankiga dhexe ee Iswiidhan.

Aqoonyahano badan oo dhaqaalaha ayaa aminsan maanta in goor dhow bankiga dhexe uu hoos u dhigi doono heerka lacagta dul saarka ee Iswiidhan.

Bankiga dhexe ee qaarada Yurub ee ECB ayaa dhowaantan hoos u dhigay lacagahiisa dul saarka iyada oo uu gaarsiiyay 1,25 boqolkiiba.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".