Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Wikileaks

Julian Assange oo ay suuragal tahay in deg deg lagu keeno Iswiidhan.

La daabacay måndag 14 november 2011 kl 10.10
Julian Assange

Aasaasihii Wikileaks Julian Assange looguna shakisanyahay in uu kufsaday hablo u dhashay Iswiidhan ayaa lagu wadaa in la keeno Stockholm waqti kooban gudaheeda iyada oo dalkani loogu heysto dacwadaasi sida uu sheegay Harald Ullman oo ah nin iska leh hayad warbaahin  oo uu daah furay Julian Assange laftigiisa.

Warbaixinta ayaa waxay ka yaabisay qareenka Björn Hurtig oo ah qareen u doodaya  Assange iyada oo qareenka uu sheegay in uusan xaqiijin karin dafiri karina warkan soo baxay.

Bilowgii bishan ayay maxkamada sare ee Magaalada London oo ah halka uu imminka jooga Julian Assagne dacwad uu ku diidanaa Julian Assgane in loo soo masaafuriyo Iswiidhan oo ah halka isaga loogu shakisanyahay in hablo uu ku kufsaday.

Julian Assange oo u dhashay dalka ayaa waxuu aas aasay sanadkii 2006-da Wikileaks oo ah warbaahin kashifta warbixino siyaasadeed iyo kuwa kalaba  iyada oo Wikileaks kumaanaan dokumenti oo sir ah ku faafisay boggeeda Internet-ka waxaana kuwooda ugu muhiimsan uu ahaa dil ay askarta Mareykanka u geystaan shacab Ciraaqiyiin ah iyo jirdil loo geystay maxaabiis Ciraaqiyiin ah.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".