Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Auschwitz

Maalintii xusuusta xasuuqii Auschwitz

La daabacay fredag 27 januari 2012 kl 16.17
27 janawary sannadkii 1945 ayaa laga sii daayey maxaabiis Auschwitz. Laga bilaabo sannadkii 2005 ayaa qaramada midoobay qoondeeyeen xuska maalintaas.

Maanta oo jimca ah ayaa ku beegan maalintii xusuusta xasuuqii loo geeystey bulshada Yuhuudda iyo bulshooyin kale ee laga tira-badan yahay ee ku dhaqneeyd qaaradda Yurub waxa afkan iswiidhishka lagu yiraahdo ”förintelsen”.

Goobo badan oo caalamka ka mid ah iyo dalkan Iswiidhen-ba lagu qaban doono. Magaalada Istockholm ee caasumadda dalkan Iswiidhen uu ka dhici doona xarunta loogu magac-daray Raul Wallenbeg kulan middaa lagu xusayo uuna ka qayb qaadan doono madaxa dawladda dalkan Iswiidhen Fredrik Reinfeldt, waxaa isaguna sidoo kale kulankaa ka hadli doona Eskil Franck ahna sarkaal ka mid ah saraakiisha maamulka Taariikhda Nool.

kenadid.mohamed@sr.se

Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.