Thomas Östros xildhimaanimada dayrtaan ayuu ka tagayaa

Publicerat tisdag 7 februari 2012 kl 16:24
Thomas Östros anlände till Socialdemokraternas riksdagsgrupp när den samlades på tisdagen i riksdagshuset i Stockholm. Foto: Jens L´Estrade / Scanpix.

Tomas Östros oo ka mid ah xisbiga Socialdemokraterka ayaa dayrta soo socota iskaga tagaya golaha riksdaga, labo sanno ka hor inta aysan dhamaanin xildhimaanamadiisa.Waxa oo u sheegay boga wararka ee Alltid Nyheter in uu waqti dheer ka fakarayey mustaqbalkiisa uuna hada dareemayo in oo u bislaaday in uu wax kale sameeyo.

Östros waxa uu qabaa in xisbiga Socialdemokratiga oo ku jiro gacan aamin ah, ka dib markii uu talada xisbiga la wareegay Stefan Löfven.

Thomas Östros ayaa hore u soo noqday afhayeenka dhaqaalaha ee xisbiga. Waxa sidoo kale mar isku soo taagay hogaaminta xisbiga lakiin gudiga fulinta ayaa ka doorbidey Håkan Juholt.

Skriv ut

Dela