Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Hanjabaad iyo Jirdil lagula Kaco Shaaqaalaha Hayadda Socdaalka

La daabacay tisdag 10 april 2012 kl 12.29
Sawirle: Claudio Bresciani/Scanpix.

Wareeysiyo qoraal ah ee wax lagu weeydiiyay 2 230 sarkaal ee ka howl-gala hayadda socdaalka ayaa ku war-bixiyey iney howlahooda hanjabaad iyo jir-dil kala soo gudboonaadeen sannadkii ugu dambeeyey, sida ku cad war-bixin amuurtaasi laga sameeyey sannadkii tagay.

Tiro gaarsiisan 5% shaqaale hayadda ka howl-gala ee tiradoodu gaarsiisan tahay 1 857 aaney wax dacwad ah ka dhiibin handadaad ama jir-dilkii loo geeystey. Halka ey 4% saraakiil heyadda ka howl-gala ee gaarsiisan

1 971 ku war-celiyeen in aaney helin taageeradii ey u baahnaayeen.

Saraakiisha hayadda socdaalka ayey la soo gudboonaadaan hadba sida xaaladda iyo go’aammada qaxootiga laga gaaraa uga sii adag tahay, sida ay sheegtay Annette Carnhede, ahna gudoomiyaha ururka shaqaalaha ee ST.

Carnhede ayaa intaasi ku dartay in xaaladda shaqaalaha hayadda socdaalka dibadda looga tagay, halka xeerka iyo go’aammada siyaasiyiintu gaaraanna yihiin kuwo aan caddeeyn ee welwel ku ah saraakiisha hayadda.

                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".