Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xukun lagu Riday Xubin Hore uga Tirsanayd SD

La daabacay tisdag 10 april 2012 kl 13.30
Sawirle: Marie Mattsson/P4 Väst.

Waxaa uu xukun ku dhacay xubin aad u firfircooneeyd oo hore uga tirsaneeyd xisbiga xag-jirka SD ee magaalada Örebro, kadib kolkii uu qoraal ku qeexay boggiisa xusuus-qorka ee internet kuna dhaleeceeyey soomaalida iyo dadyowga aaminsan diinta muslimka.

Isagoona lagu eedeeyey meel kaga dhac (mustacjil) qowmiyadaha laga tirada badan yahay. Ninkaasi ayaa aaladda internetka ku daabacay qoraal uu ku sheegay in ”Ragga soomaalidu guryaha ayey fadhiyaan oo maan-dooriye ku cunaan halka dhanka kale ey ka diyaariyaan sidii caqabado loogu geeysan lahaa dadyowga aan heeysan diinta islaamka, sida uu boggiisa internetka ku daabacay war-geeyska Nerikas Allehanda.

Eedeeysanahan xukunku ku dhacay ee hore uga tirsanaan jiray xisbiga SD iminkase laga saaray ayaa isku difaacay in aaney qoraalkiisa akhrisanin dadyow badan. Halka maxkamadda degmadu go’aankeeda ku gaadhay maadaama uu qoraalka noocaasiya ku daabacay aaladda internetka.

                                                         kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".