Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Jeermiska aanay Daawadu Wax ka Tarin

La daabacay tisdag 10 april 2012 kl 16.40

Jeermiska mindhicirka ee leh awoodda u adkeeysiga daawada antibiyootikada ayaa ku kordha bulaacadaha isbitaallada, halkaasina oo ey si toos ah u raacaan biyaha bulaacadaha ee la safeeyso kadibna si toos ah loogu sii daayo waraha iyaga oo aaney wax gaarin, islamarkaana sidaa ku faafa.

Björn Olsen, oo ah caalin ku takhasusay cilmiga ka hor-tagga jeermiska kana howl-gala jaamicadda Uppsala ayaa isaga oo kala kaashanaya culimo kale ey cilmi-baaris ku sameeyeen jeermiska xiidmaha ee bulaacad ku taala qayb dhismo cusub ee cusbital.

- Midda cilmi-baaristan ku cusub ayaa ah in aannu qeyb cusub ee cisbitalka ka mid ah aan bulaacadda u gaarka ah ka baarnay bakteeria u ad-adag daawada intii aanay biyahaasi gaarin haanta weyn ee bulaacadaha cisbitalka.

Cilmi-baayreyaasha ayaa bulaacadda ka helay haraayo daawada antibiyootika iyo jeermisyo adkeeysi u leh dawada ee jeermiska mindhicirka.

                                                kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".