Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shaqa ka Fariisi Foodda Innagu soo Heysa

La daabacay onsdag 11 april 2012 kl 12.57

Foodda ayuu innagu soo hayaa shaqa ka fariisigii uu ku baaqay ururka shaqaalaha ee gadisleydu. Shaqaale tiradoodu gaarsiisan yihiin 5 600 oo ka howl gala dukaammada cunnada, dukaammada jimlada looga iibsado badeecadda iyo bakhaarleyda ayaa shaqada ka fariisan doona habeenka jimcadu soo geli doonto haddii aan heshiis guud aan si wada jir ah go’aan looga gaarin heerka kordhinta mushaarooyinka shaqaalaha.

Iyadoona haddii uu shaqa ka fariisigaasi hir-galo ey si dhakhsa ah dukaammada qaarkood uga suuli doonaan khudradda darayga ah ama la cuno inta ey cusub tahay.
Sidoo kale waxaa iyaguna shaqa ka fariisi ey tallaabadaa ku taageerayaan ku dhawaaqay ururro kale ee shaqaale.

                                                  kenadid.mohamed@sr.se

                

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".