Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dooddii Baarlamanka ee la Xiriirtay Hubka Sacuudiga

La daabacay onsdag 11 april 2012 kl 16.41
Foto: Jonas Ekströmer/Bertil Ericson/Scanpix.

Dood maanta ka dhacday baarlamanka dalka Iswiidhen lana xiriirtay war-bixintii wasaaradda hubka laga iibiyo Sacuudiga ee laanta wararka idaacadda Iswiidhen ee Ekot shaacisay markii ugu horeeysay ayuu wasiirka arrimmaha dibadda Carl Bildt laaday in aanay dawladda uu xubinta ka yahay meel kaga dhicin xeerka dalkan u degsan ee hub iibinta:

- Dhammaan doodaha halka ka dhacay waxaa la oran karaa in dawladda iminka jirta iyo dawladihii kaleba iyo sidoo kale heyadaha dawladdu aaney marnaba meel kaga dhicin xeerka dalka u degsan. Waxaana la oran karaa in aan la qaadin tallaabo xeer jebin ah wax walba oo la isla dhex-maro.
Doodan oo uu sal-dhig u ahaa war ay shaacisay laanta wararka ekot ee idaacadda Iswiidhen ayuu xisbiga Bidixdu dalbaday in baarlamanku dood middaa ka yeesho iyo wararka sheegayey in dalkani uu diyaar u ahaa sidii dhismaha warshad lagu sameeyo hubka noocyadiisa. 
Carl Bildt ayaa dooddiisa maanta ku saleeyay in aanay haba yaraatee jirin dhismaha wax warshad ah.

Urban Ahlin Af-hayeenka dhanka arrimmaha dibadda ee xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga ayaa horay isaga dheereeyay heshiis lala galo dawladda Sacuudiga, iyadoona uu xisbigiisu dalka maamulkiisa gacanta ku hayay kolkii isla dalkaa lala galayey heshiiskii ugu horeeyay, islamarkaana aan diyaar u ahayn in heshiiskaa la baabi’iyo haddii xisbigiisu mar kale uu hoggaanka dalka gacanta ku dhigo. Middaasina oo kaga muteeystey xubnaha xisbiyada Shacabka (fp) iyo hogaamiyaha xisbiga Bidixda (v) Jonas Sjöstedt:

- Waxaan qabaa in labac labaca ugu wayn ee dooddan uu qabo xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga iyo Urban Ahlin. Welina ma aan garawsan in xisbigu sidiisaba  amuurtan la dhacsan yahay iyo in kale.

Isha: Ekot

                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".