Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Qorshe Ajaaniibta loogu sahlayo Iney Beeraley Noqdaan

La daabacay torsdag 12 april 2012 kl 11.09
Sawirle: Cata Portin /Scanpix.

Ururka daladda ururrada beeralayda ee carriga Uppland ayaa bilaabi doona qorshe loogu tala galay sidii ajaaniibta loogu suurtagelin lahaa iney beeraley carrigaa ka noqdaan. Maamulka degmada Uppsala ayaa shalay go’aamiyay inuu qorshahaa ku maal-geliyo miisaaniyad gaarsiisan 1,6 malyuun o okoronka Iswiidhishka, sida uu sheegtay idaacadda iswiidhen laanteeda wararka ee Uppland.

Qorshahan ayey ka mid yihiin sidded beerood ee lagu abuuro abuur cimilada u wanaagsan ee aan horay dalka si caadi ah looga abuuri jirin loona qorsheeyey siddeed aseendo. Iyadoona loogu tala galay abuur u dhexeeya 30 illaa iyo 40-tan.
Qorshahan ayaa loogu tala-galay in sannadkiiba ey ka qeyb-qaataan siddeed illaa iyo toban ruux.
Qorshahan ayaa daba socda mid dhiggiisa ah ee hore ey ugu tallaabsadeen badankood degmooyinka Uppland, hase yeeshee uu iminka raad-raac ku sameeyn doono ururka daladda ururrada beeraleeyda.

Isha: Laanta warar ee Upplands

                                                       kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".