Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Baaritaan lagu Xakameeynayo Ugaarisga Uubatada

La daabacay fredag 13 april 2012 kl 15.14
Uubato. Sawirle: AP Photo/National Park Service, MacNeil Lyons/Scanpix

Qooyska Uubatada ee dalkan ku dhaqan ayaa u baahan inay ku soo kordhaan kiil hor leh si jiritaankoodu u waaro, sidaa wuxuu ku caddaa baaritaan lagu sameeyey uubatada dalka ee toddobaadkan maalintii salaasada la soo bandhigay.
Sidoo kale wuxuu soo jeediyay baare Lars-Erik Liljelund oo ka dambeeyay baaritaankan ugaarsi maamul leh ee xaddidan sidii loo sugi lahaa jiritaanka qooyska Uubatada.
Ururka ugaarsatada Iswiidhen ayaa soo dhoweeyay fikirka maamulka ee xaddidaada ugaarsiga, halka uu dhanka kale uu baaritaanka dhaliil uga muujiyay maadaama bey yiraahdeen aanu wax ka sheegin sawirka ama saansaanta ey ka qabaan Uubatada bulshada ey carriga ku wada dhaqan yihiin.

- Qiimeeynteeyda iyo waayo-aragnimada aan middan u leeyahay ayaa i oraneeysa in lagu tallaabsan karo ayna tahay lagama maarmaan xakameeynta ugaarsiga Uubatada hoosna yimaada hayadda xadidaadda, iyadoona sababta aan middaa u soo jeedinayaa tahay sidii ey si tartiib tartiib ah loogu suurtagelin lahaa kobaca tirada Uubatada. Kolkaana halkeedii laga sii wado ugaarsiga maadaama uu suurtagalkaasi jiro taranka Uubatada.

Waxaa dalka maanta ku dhaqan Uubato lagu qiyaaso illaa iyo 300, halka uu Lars Liljelund rajeeynayo in muddo sannad ah ey tiradoodu gaari doonto illaa iyo 450 Uubato.

Si loo ilaaliyo tayada Uubatada aawadeed ayuu baaruhu soo jeediyay in la xadido ugaarsiga islamarkaana looga war-hayo nawaaxiga ey ku sugan yihiin, tiradooda iyo sidoo kale iney helaan Uubato leh hidde-sideyaal ka duwan si ey isku abaahiyaan oo aaney isu abaahin oo keliya qooyska dhexdiisa.

Baaritaankiisa ayuu sidoo kale Lars Liljelund ku soo jeediyay in hayadda dhowrista dhirta iyo daaqu sugto meeqaanka ama sumcadda Uubatada iyo tirada ugu yar ee loo baahan yahay iney jirto.

Baaritaanka ayuu ku cad yahay islamarkaa in la hagaajiyo qaanta xoolaleeyda ey Uubatadu dhibaato u geeysato xoolahooda.

Ururka ugaarsigu wuxuu sidoo kale sheegay in aannu u muuqan waxa uu maamulka xadidaadda ugaarsigu kaga duwanaan karo midka iminka jira ee shatiga, islamarkaana qaba in tirada Uubatada la gaarsiiyo 1 200.

Wasiirka cimilada Lena Ek ayaa salaasadii ka gaabsatay inay ka war-bixiso baaritaanka la soo ban-dhigay ee ugaarsiga, halka khasnadda hayadda caalamiga ee dhowridda ugaartu soo dhoweeysay baaritaankaa, sheegtayna inay dhowrayaan xeerka inuu noqdo mid cad mustaqbalka iyo sidoo kale in la dhigay gool la hiigsanayo ee xadeeynta tirada Uubatada diirkana laga qaaday, sida uu sheegay Tom Arnbom, oo ka howl-gala hayadda WWF ahna caalin ku takhasusay ugaarta duur-joogta mar uu u waramayay idaacadda caalamiga ee raadiyaha Iswiidhen:

Midda kale ee muhiimadda ku fadhida waxay tahay in la caddeeyey muhiimadda in Uubatadu xaq u leedahay inay ku dhaqanto goobaha xoolo raacatada laga helo.

                                               kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".