Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Taageero Dhaqaale oo Khiyaamo lagu Kasbaday

La daabacay fredag 13 april 2012 kl 17.23
Cagaha ruux curyaan ah. Sawirle: Bertil Ericson SCANPIX

Maxkamadda Vännersborg ayaa maanta xukun saddex sannadood ah ku ridday nin si khiyaamo guracan, hanjabaad iyo xeer-jebin leh ugu hantiyay dhaqaale malyuunaad gaaraya.
Halka ay maxkamaddu sidoo kale xukun shuruud la'aan ah iyo 175 saacadood ee howl-bulshadeed ah ku ridday xaaskiisii hore una ahaan jirtay gacan-yare nikaa.

Dhaqaalaha ayaa eedeeysanaha loogu ogolaadey isaga oo sheegtay inuu ku dhaawacmay shil baabuur, kuna curyaamay oo aannu dhaqaaqi karin.

Haweeney dacwad ninkaa ka soo gudbisay ayaa xaqiijisay inuu awooday socodka, sidoo kalana mar baaritaan gurigiisa lagu sameeyey laga helay sawirro middaa muujinaya.
Iyo iyada oo la arkay isaga oo dhex mushaaxaya suuqyada.
Eedeeysanaha xukunka lagu riday iyo xaaskiisii hore oo labaduba 65-jirro yihiin ayaa lunsaday dhaqaale gaarsiisan 5,8 malyuun oo koron intii u dhaxeeysey 2007 iyo 2011 waana dhaqaale la xukumay iney dib u soo celiyaan. 600 000 oo ka mid ah sida ay sheegtay maxkamadda degmadu. Iyo sidoo kale in ninkani awooday socodka, raashin karsinta, nadaafaddiisa inuu ka shaqeeyo, qubeeysto islamarkaana isku fillaado.

Isha: TT

                                               kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".