Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Soogalootiga iyo ka Hortagga Cudurka Hiv

La daabacay måndag 16 april 2012 kl 16.00
Hiv upptäcks med ett blodprov. Foto: Luis Romero/Scanpix

Si loo xakmeeyo loona gaaro heer dar-yeel caafimaad ee wanaagsan waa in sida ugu dhakhsiyaha badan loo ogaadaa ajaaniibta qabta cudurka HIV-ga kolka ey dalka ku cusub yihiin, sida uu sheegay machadka ka hortagga cudurrada faafa ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano SMI oo soo ban-dhigay tirakoob 465 ruux dadka laga helay cudurka sannadkii tagay.

Tirada ayaa hoos u dhacday 5%, marka loo barbar-dhigo tirada dadyowga cudurka laga helay 491 ruux sannadkii ka horeeyay ee 2010.
Dadyowga cudurka Hiv laga helay annadkii tagay ayaa la xaqiijiyay in 63% yihiin rag. Halka 23% ee ka mid ahina yihiin ragga isu galmooda.
Howlaha la xiriira ka hor-tagga cudurka ayuu machadku soo jeediyay in la kordhiyo saamiyada dhiigga la qaado iyo talo-bixinta la siiyo qaasatan dadyowga halista ugu jira iney cudurka qaadaan sida dhallin-yarada iyo ragga isu galmooda.

Isha:TT
                                                       kenadid.mohamed@sr.se

               

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".