Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Miisaaniyadda Dawladda ee Gu'ga

La cusbooneeyay måndag 16 april 2012 kl 14.05
La daabacay söndag 15 april 2012 kl 21.58

Koboca dhaqaale ee dalka sannadkan eynu ku jirno oo la filayo inuu noqdo 0,50% iyo shaqa la'aanta oo kor u kacda lixda bilood ee sannadka ugu horeeysa ayaa khasbeeysa in dawladdu qaado tallaaooyin taxadar leh ee lagu dhiiri-gelinayo dhaqaalaha dalka sida uu sheegay Anders Borg, wasiirka dhaqaalaha mar uu u waramayay idaacadda la iska daawado ee SVT laanteeda Agenda habeenkii axadda ee ina dhaaftay. Wasiirka dhaqaalaha Anders Borg ayaa fikirkiisa la xiriira miisaaniyadda gu’ga sidan u dhigay:

- Waa inaaan garwaaqsanaa in xaalad culus ey la soo gudboonaan karto dhaqaalaha dalka, islamarkaana aannu awoodeeda leenahay sidii aan u miisaaniyad gelin lahayn dhiiri-gelinta dhaqaalaha dalka.

Borg ayay u muuqataa daruur madow ee hareeynaysa dhaqaalaha caalamka iyo dhaqaalaha waddammada ku midoobay lacagta euro-ga oo saameeyn ku yeelan karta xowliga kobaca dhaqaale dalka ee mustaqbalka.

Kobaca dhaqaale ee sannadka ayay dawladdu saadaalinaysaa 0,4%. Shaqa-la’aanta oo xoogay kor u kacda gaadhana 7,5%, halka miisaaniyadda dawladduna halkii ay ka ahyd miisaaniyad dheeriya ee gaarsiisan 60 milyaard ee koron, gaari doonto naaqus 13 – 14 milyaard ee koron.

Ugu horeeyn miisaaniyadda dayrta ee bisha septeembar ayuu Anders Borg ku talo jiraa inuu soo ban-dhigo miisaniyad la xiriirta dhiiri-gelinta kobaca dhaqaale hadday noqon lahayd maal-gelinta howlaha aasaasiga ee dalka sida waddooyinka xaddiidka. Sidoo kale howlaha cilmi-baarista iyo is-bedellada khidmmadaha kala duwan ee shurkadleyda.

Sannadka 2013 ayaa la saadaalinayaa in dhaqaalaha dalku yeelan doono sawir ka qurxoon midka sannadkan. Iyadoona uu kobaca dhaqaaluhu kor u kici doono, gaarina doono 3% sannadkiiba, halka shaqa-la’aantuna hoos u dhici doonto.

Ma ahan oo keliya xubnaha mucaaradka kuwa dawladda ku dhaleeceynaya firfircoonidarro. Waxaa iyaguna eedayn middaa la mid ah u soo jeedinaya culimada dhaqaalaha ee dawladda ku eedeynaya sababta ay dawladdu faraha uga laabatay maal-gelin ballaaran oo ay ku sameeyso tusaale ahaan waddooyinka xadiidka.

Robert Bergqvist, madax laanta dhaqaalaha ee bankiga SEB:
- Waxay iila muuqatay in dalku leeyahay suurtagal wanaagsan ee maal-geli mustaqbalka. Waxaan ku fekerayaa 10 – 15 sannadood ee mustaqbalka. Waxaa markaa loo baahnaa in deyn la qaato si mustaqbalka loogu maal-gashado. Dalkani ka mid maaha waddammada dhaca bartamaha caalamka wuxuuna kharash badani kaga baxaa waarididda alaabooyinka. Iyadoona ey ka jiraan daldaloollo.

Aaminka lagu qabo dhaqaalaha Iswiidhen ayaa ah mid aad u sareeya, sidaa daradeed wuxuu dalkani ku heli lahaa si jaban, deymo uu ku maal-geliyo howlaha baahida loo qabo, sida ey qabaan dhaqaale-yahanno fara badan. In miisaaniyadda dalku naaqusto sannadka 13 – 14 milyaard ee koron ayaanu u arag caalin Harry Flam oo ka howl-gala jaamicadda Istockholm, mid caqabad ku ah deymaha aan badneyn ee dalkan lagu leeyahay:

 - May, xaqiiqdii maya. 13 – 14 milyaard ee koron una dhiganta 0,3% ma ahan xaqiiqdii dhaqaale sidaa u fara badan. Waa dhaqaale aad u yar. Kolka loo baahan yahay isku-celcelin miisaaniyadeed kolka lagu jiro xaalad cakiran ee dhaqaale waxaa loo baahan yahay hoos u dhac miisaaniyad intaa ka badan.
Halka uu wasiirka dhaqaalha Anders Borg ku adkeeysanayo fikirkiisa:
- Kolka uu yaraado welwelka dhaqaale ayey suurtagal noqonaysaa in la maal-geliyo tusaale ahaan howlaha cilmi-baarista, kuwa aasaasiga dalka u ah. Hase yeeshee weli xaaladdaa lama gaarin.

                                                        kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".