Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Taageerada Xisbiga S oo Kor u Kacday

La daabacay måndag 16 april 2012 kl 10.51
Xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga

Tirakoobkii ugu dambeeyay ee ay sameeysay shirkadda Sifo ayaa lagu cadeeyay inay kor u kacday 3,1% taageerada xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadigu gaartayna 36,8%. Laga soo bilaabo bishii jannaayo ee sannadka ayay taageerada xisbigu kor u kacday 12,2%.

Taageerada farqiga u dhaxeeya xisbiyada ku bahoobay awooda dalka (is-ku-tagga) iyo xisbiyada mucaaradka ee casaan cagaarka ayaa gaarsiisan 8,9%, middaasina oo ey xisbiyada casaan-cagaarku guusha ku sitaan.

Marka laga yimaado kor u kaca taageerada xisbiga S ayaa haddana aannu farqigaasi si aad ah kor ugu kicin, iyadoona uu xisbiga Dooggu (Mp) lumiyay taageero gaarsiisan 1%. Xisbiga Kristendimoqoraadiga (Kd) ayaa kor u kacay 0,5%, gaarsiisanna iminka xadka tiradii looga baahnaa si xubno loogu yeesho baarlamanka.

Ilaha: SvD iyo Göteborgs-Posten.

                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".