Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Miisaaniyadda iyo Ururrada Shaqaale

La daabacay måndag 16 april 2012 kl 13.30

Ururrada shaqaalaha ayaa ka dhawaajiyay iney ka filayaan miisaaniyadda dawladda ee gu'ga tallaabooyin wax ku ool ah sidii looga hor-tegi lahaa shaqa la'aanta.
Anders Ferbe, madaxa ururka shaqaalaha ee warshadaha IF Metall ayaa sheegay inuu ka rajeeynayay miisaaniyadda dawladda tallaabooyin wax ku ool ah, hase yeeshee aanay dhicin. Ma ahan suurtagal in la hir-geliyo siyaasad dawladeed ee la xiriirta shaqo iyada oo meel la iska fadhiyo ee waxba la qaban.

Ururka TCO ayaa qaba in dawladdu bakheeyshay. Waxaa loo baahan yahay maal-gelin lagu sameeyo tacliinta iyo kor-u-qaadidda tayo shaqaale. Sidoo kale wuxuu ururka TCO doonayaa in dawladdu ku dhaqaaqdo tallaabooyin wax looga qabanyo shaqa-la'aanta dhallinyarada haysata.

Halka ururka jaamiciyiinta ee SACO uu soo baadigoobayo tallaabooyin dheeriya, islamarkaana uu dawladda ku ayiday inay sheegtay howlo la xiriira sidii loola diriri lahaa shaqa-la'aanta iyo kor u qaadidda cimilada shurkadleyda. Ururka SACO ayaa qaba in la baabi'iyo qidmadda dheeriga ah ee laga jaro mushaarooyinka sarreeya ee lagu magacaabo (värnskatten). 5 procent på högre inkomster.

                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".