Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Xiisaha Jaamicadaha loo Qabo oo Kordhay

La daabacay måndag 16 april 2012 kl 14.53

Ardayda magaalada Istockholm ayaa ugu xiisa-badan kolka loo barbar-dhigo dalka intiisa kale xiisaha ey u qabaan jaamicadaha saddexda sannadood ee ugu horeeysa kolka ey ka baxaan wax-barashada dugsiyada sare. Ardayda ayey 72% ee hablaha iyo 65% ee wiilashu xiiseeyaan sidii ey tacliintooda ku sii wadan lahaayeen.

Xiisaha ugu hooseeya ayaa laga ogaaday inuu ka jiro nawaaxiga Jämtland halkaasina 50% hablaha iyo saddex daloolow mid ee wiilashu hamiga ku hayaan sidii ey tacliintooda u sii wadan lahaayeen, sida ku cad war-bixin ay sameeysay hayadda tirakoobka ee SCB.

Guud ahaan hablaha ayaa kaga xiisa badan iney tacliin sare galaan 65%, halka wiilashuna ey tiradaasi gaarsiisan tahay 94%.

Hablo tiradoodu gaarsiisan tahay 27% iyo wiilalasha 12%, ee ka mid ah kuwa iyagu sheegay inaaney hamiga ku hayn tacliin sare saddexda sannadood ee ugu horeeysa ayaa sheegay iney qabaan tacliintooda iney sii wataan mustaqbalka dambe.

Sababaha ugu waaweyn ee ku hor-gudban iney dhallaankaasi tacliinta sii wataan ayey ugu wacan yihiin caajis dhanka wax-barashada iyo iyaga oo ku tala jira iney shaqeeystaan.

Isha: tt

                                              kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".