Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Dhaqaale Xafiiska Shaqadu Dib ugu Celiyay Khasnadda Dawladda

La daabacay måndag 16 april 2012 kl 15.14
"Saadaalintii shaqa-la'aanta ayaa ka sara martay xaqiiqdii". Sawirle: Bertil Ericson/Scanpix.

Wixii ka dambeeyay sannadkii 2007 ayuu xafiiska shaqada AF uu dib ugu celiyay khasnadda dawladda dhaqaale gaarsiisan 18 milyaard e ekoronka iswiidhishka. Dhaqaalahaa ayaa ah miisaaniyad aannu xafiisku isticmaalin iyada oo islamarkaana kor u kaceen dadyowga shaqa-la'aantu la soo gudboonaatay, sida uu qoray war-geeyska DN.

Agaasimaha hayadda ayaa sheegay in saadaalinta shaqa-la'aantu ahayd mid aad u sarreeysa halka xaqiiqdii ay tiradaasi ka hooseeysay, sidaa daraadeed ayuu dhaqaalahani ku yimid. Xisbiyada mucaaradka ayaa dhaleeceeyey hoggaanka xafiiska shaqada iyo habka dawladdu u qoondeeysay dhaqaalahaa.

Isha: TT

                                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".