Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Telia Sonera waxay la shaqaysaa diktatooriyaasha Asia

La daabacay onsdag 18 april 2012 kl 09.10
Telia Sonera waxay ka howl gashaa wadamo ay kataliyaan kaligii taliyaal sida Uzbekistan, Kazakstan iyo Belarus. Foto: Scanpix.

Telia Sonera waxay wada shaqayn dhow la leedahay nabad sugida wadamo ku yaala bartamaha Asia oo ay maamulaan keligii taliyaal. Sidaas waxaa lagu sheegay barnamijka SVT ka baxa ee Uppdrag Granskning.

Telia Sonera ayaa ku heshay lacago badan wadashaqayntaan ay la yeelatay diktatooradaan waayadii hore ka mid ahaa Sovjetunionen.

Lakiin si ay telia u hesho kontaraktiyo faa'idooyin leh ayaa loo furay hay'adaha nabadsugida wadmadaas qadka isgaadsiinta.

Tusaale Azerbajdzjan, Belarus iyo Uzbekistan waxaa ka jira nidaam la dhaho Sorm oo ay hay'adaha dowligaa gacanta ku hayaan, SVT-Uppdrag Granskninga ayaa sidaas lagu sheegay.

Tan ayaa ka micno ah in hay'adaha nabad sugidaa dhageysan karaan qadka taleefonka iyo fartiimaha laysku diro taas oo badanaa keenta in ay dhageystaan mucaaradyada ka bacdiina qabqabtaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".