Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Tv-liisanka oo la baabi'inayo

La daabacay onsdag 18 april 2012 kl 15.17

Tv-liisanka ayaa la doonayaa in gabi ahantiis meesha laga saaro. Public service oo ka kooban SVT iyo Sveriges Radio ayaa laga maalgelinayaa badelkeeda lacagta canshuurta.

Taas oo keeni karta in Radiotjänsten oo kutaal kiruna ahna shirkada soo aruurisa lacagta Tv-liisanka in albaabada layskugu dhufto, sidaas waxaa sheegay jariirada Rumé. Waxaana la filayaa in sidaas lagu soo bandhigo xagaaga soo socda baritaan arintaan lagu sameeyey.

Lakiin waxaa lafilayaa in ay tan dhaliso dagaal siyaasadeed. Xisbiyada kala ah Vänsterpartiet iyo Miljöpartiet ayaa ka soo horjeeda isbadel lagu sameeyo Tv-liisanka, sida laga soo xigtay Jariirada Rasume.

Gunilla Carlssom oo ka tirsan Sooshiyaaldemokratiga fadhidana gudiga dhaqanka ayaa ayadu tan u aragta mid wanaagsan. Lakiin waxay jariirada u sheegtay in ay muhiimtahay in xisbiyada oo dhan ay isfaham guud ka sameeyaan arintaan

Gustav Hoffstedt oo ah xildhibaan Moderat ah kana mid ah wakiilada Public Service ayaa asna u sheegay Rasumé in uu ka jiro xisbiyada dhexdooda wax lagu tilmaami karo isfaham guud oo ah in lagu badelo Tv-liisanka nidaam kale oo lamid sida kan qarashaadka xabaasha ee canshuur ahaanta loo qaado.

Raadraac;

  • Tv-liisanka waa 519 kron sadex bilood taas laga doonayo in ay bixiyaan guriyaha iyo xafiisyada shirkadaha ee haysta tv.
  • Lacagtaas waxaa lagu maageliyaa shirkadaha public service sida telefishinka SVT, Radio Sweden iyo raadiyaha waxbarasha ee layiraahdo UR.
  • Shirkada ay dowlado leedahay ee layiraahdo Radiotjänst i Kiruna AB ayaa soo aruurisa lacaga. Waxaana shirkadaas u shaqeeya 120 qof.
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".