Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

In ay FOI maalgelisay shirkad qarsoodiya oo la xaqiijiyey

La daabacay torsdag 19 april 2012 kl 13.33
Jan Olof Lind, Madaxa Hayada FOI. Sawir laysku daray: Sveriges Radio/Scanpix.

Waxaa soo shaac baxday in lacag lasiiyey shirkad qarsoodi ah oo layiraahdo ISSTI in ay ka imaatay FOI oo ah hay'ad dowliha oo qaabilsan taqasuska difaaca dalkaan.

Hadafka ay FOI ka lahayd hirgelinta iyo maagelinta shirkadan qarsoodidaa ayaa ahaa sidii loogu dhisi laha warshad hubka u samaysa dalka Saudiarabiya oo ah dal ay maamusho boqortooyo keli talis ah.

Dick Sträng oo ah maareeyaha shirkadaan ISSTI ayaa u xaqiijiyey arintaan laanta waraka ekot ee ka baxda Radio Sweden.

Waa markii ugu horaysay oo la xaqiijiyo in lacagta lagu maageliyey shirkadaan ay ka timid FOI.

Laanta wararka ee ekot ayaa ayadu bishii la soo dhaafay ee mars kashiftay qorshahaan qarsoodidaa oo la doonayey in loogu dhiso warshad hub dalka Saudiarabiya. Hada waxaa socda baritaan faldenbiyeed oo ah kalsooni xumo.

Lakiin Madeleine Sandström oo ahayd mareeyahii FOI markii la howl geliyey shirkadaan ayaa sheegtay in aysan in aysan xasuusanin in ay wax ka ogaadey maagelinta shirkada qarsoodidaa.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".