Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dhallaanka Iskuullada ka Sagsaaga

La daabacay fredag 20 april 2012 kl 11.46
Sawirle: Karin Malmhav/Scanpix.

Dhallaan tiradoodu cagacageeyneyaan 5 000 oo dhigta dugsiyada sare ayaa iskuulladooda ka sagsaagey bilihii sannadka ugu horeeyey, middaasina sababtay in laga jaro dhaqaalihii taageerada wax-barasho ee dhallaanka bishiiba mar la siiyo.

Waa tiro 900 kor u kacday, marka loo barbar-dhigo sannadkii tagay. Middaa ayay ugu wacan tahay iyada oo la adkeeyey xeerarkii lagu qaadan jirey dhaqaalaha taageerada tacliinta kolka iskuullaada laga sagsaago, sida uu qoray war-geeyska DN.

Iskuullada ayaa iminka waxaa saaran waajib ah iney la socodsiiyaan hayadda CSN ee qaabilsan dhaqaalaha ardayda kokla dhowr saacadood uu ardaygu iskuulka ka maqnaado. Halka wixii ka horreeyay horraantii sannadkan laga jari jirey ardayga dhaqaalaha wax-barasho kolka uu iskuulka ka sagsaago muddo u dhiganta 20% xiisadaha muddo bilo ah.

Isha: DN

                                                       kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".