Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Hawada Magaalooyinka dalkaa wey liidataa

La daabacay fredag 20 april 2012 kl 13.55

Hawada Magaalooyin badan oo ku yaala dalkaan Isweden aad ayey u liidataa, mana buuxiyaan xeerka sharuudeed ee EU kaas oo oranaya in hawada magaalooyinka in ay ahaadaan kuwo tayo leh.

Tan iyo markii EU hirgelisay 2008 xeerarka lagu cabirayo inta ay la'egtahay boorka ka dhasha taayirka gaadiidka ayuu dalkaan Sweden jabinayey xeerarkaas sannad kasta. Deegaanada aan buuxin xeerkan waxaa u sita magoolinka ay ku badan yahiin giidka.

Sannadkii nadhaaf maxkamada EU ayaa ku ridey sweden denbi ah in aysan xusmaynin xeerkaas, lakiin hada ururka udooda bay'ada deeganka Naturskyddsföreningen ayaa doonaya in mar labaad la soo istaajiyo maxkamda.

Waxayna taa sabab uga dhigeen in jawaabta Dowladda Sweden oo ah in ay sannadyada soo socda ay soorta gelinayaan sidii loo gaari lahaa in hawada magaalooyinka sweden ahadaan kuwo dhadiif ah, aysan ahayn mid soortagal ah.

Mickael Karlsson oo ah gudoomiya Naturskyddsföreningen ayaa tilmaamey in boorka uusan ahayn mid siiyaraana lakiin uu yahay mid sii badanayo sidaas darteedna ay tahay in sweden markale makamada la horgeeyo

- Waxaa la cadeyn karaa in Sweden ay jabiso xeerka qasabkaa ee sweden. Hadii mar labaad maxkamadda la horkeeno waxay keenaysaa in sweden la saaro cunoqabatayn dhaqaale, waxa ay taas soo dadejinayso shaqada wax looga qabanayo hawada, taas oo badbaadin doonta nolasha dadbadan ayuu yeri Mikael Karlsson.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".